LA LIGA: Barcelona oo guul muhiim ah ka gaartay Valencia+SAWIRRO

(Catalonia) 20 Mar 2017. Barcelona waxa ay guul ahmiyad weyn u leh ka gaartay Valencia kulankii goor dhaweyd ku soo dhamaaday Camp Nou.
Ciyaartan oo ay soo dhaweysay Valencia ayey ogaayeen wiilasha Luis Enrique in aysan xamili karin wax guul ka yar maadama ay Real Madrid xalay badisay.
Hase ahaatee, waxaa gool uga naxsaday Eliaquim Mangala daqiiqadii 29-aad kahor inta uusan lix daqiiqo kaddib bar bareen Luis Suarez.
Lionel Messi ayaa gool ku laad u dhaliyey daqiiqadii 45aad balse isla daqiiqadaas waxaa bar bareeyey Munir oo hore uga tirsanaa Barcelona. Ciyaarta waxaa lagu kala nastay 2-2.
Yeelkeede, laba gool oo kale ayey ku dartay Barcelona waxaana u kala dhaliyey Lionel Messi iyo Andre Gomez.
Eliaquim Mangala waxa uu kaarka cas qaatay daqiiqadii 44-aad.
Catalans waxa ay wali ku jiraan kaalinta labaad iyaga oo laba dhibcood ka hooseeya Real Madrid oo uu baaqi kulan u yahay.
Gool FM.