EPL: Manchester City iyo Liverpool oo isku garab dhacay [Sawirro]

(Manchester) 19 Mar 2017. Manchester City iyo Liverpool ayaa isku garab dhacay kulankii caawa ku soo idlaaday Etihad Stadium.
Muwaadiniinta oo soo dhaweysay wiilasha Klopp ayaa ku sigatay in laga badiyo kaddib markii uu daqiiqadii 52-aad gool ku laad ugu shubay James Milner.
Hase ahaatee, waxaa badbaadiyey dhinaca Guardiola Sergio Kun Aguero oo baas dhaw uu siiyey Kevin de Bruyne shabaqa dhex dhigay daqiiqadii 69aad.
Labada kooxoodba waxa ay isku heleen fursado halis badnaa goolalna loo filan karay oo aan dhalan.
Ugu dambeyn jadwalka Premier League-ga oo xasaasi hada maraya wax weyn iskama badalin marka laga yimaado in Manchester United iyo Arsenal ay boosaska kala badasheen.
Gunners waxa ay u dhacday lixaad halka United ay afar bilood ku dhawaad lixdii ay fadhiyey ka soo ruqaansatay galabta kaddib markii ay 1-3 uga badisay Middlesbrough.
Gool FM.