Bale oo qaati ka taagan BIDAARTA ku sii siqeysa isla markaana damacsan qorshe cusub…+SAWIRRO

bale

(Madrid) 19 Mar 2017. Xiddiga Real Madrid Gareth Bale ayaa la warinayaa inuu qaati ka taagan yahay Bidaarta ku sii baaheysa isla markaana uu hadba timaha dhaa-dheer ku daboolo si uu u qariyo.

Bale ayaa Bidaarta ku sii siqeysa ku daboola timaha dhaa-dheer uu deystay, laakiin iminka waxaa la sheegayaa inuu qorsheynayo inuu timo cusub abuurto sidii Antonio Conte iyo Rooney oo kale.

Laacibka reer Wales ayaa si wayn baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka looga jafay bidaarta uu Tinta ku qarinayo intii uu socday tartankii Euro 2016 oo uu wacdaraha ka dhigay xulkiisa.

“Garth Bale waqti ayuu isku dayay inuu daboolo bidaartiisa isagoo timaha dhaa-dheer ku dadaya, laakiin iminka wuxuu doonayaa inuu la tacaalo oo uu habeeyo,” Ilo wareed ayaa sidaa lagu yiri.

Wayne Rooney ayaa tinta loogu abuuray London, halka tababaraha Chelsea Antonio Conte si caalami ah tinta loogu abuuray dalka Canada, iminkana Bale ayaa doonaya inuu maro wadadaasi isla markaana iska qariyo bidaarta ku sii siqeysa.

Image result for Gareth Bale bald

Related image

Image result for Gareth Bale bald

Gareth Bale’s bald spot appears through his ‘man bun’

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close