Waa kuwee kooxaha isugu soo haray sideed dhammaadka Europe League, goormaa la sameynayaa isku aadka, goormeysa ciyaarayaan??

UTuO9bXj

(Europe) 17 Mar 2017. Man United ayaa gool madi ah uu Mata u ansixiyay ku martay naadiga FC Rostov inkastuu ka dhaawacmay laacibka ugu qaalisan kubbada cagta addunka ee Paul Pogba.

Kulamadii kale ee la ciyaaray Europe League ee xalay ayaa lagu kala baxay sidan:

https://pbs.twimg.com/media/

Haddaba kooxaha u soo baxay sideed dhammaadka Europe League ayaa kala ah:

Ajax, Anderlecht, Beşiktaş, Celta, Genk, Lyon, Man United iyo Schalke.

https://pbs.twimg.com/media/

Goormaa la sameynayaa isku aadka tartanka?

Waxaa la sameyn doonaa maanta wixii ka dambeeya labada duhurnimo marka la sameeyo isku aadka Champions League.

Goormaa la ciyaarayaa kulamada sideed dhammaadka Europe League?

Waxaa la ciyaari doonaa labo usbuuc oo ka tirsan bisha Abriil, habeen Khamiis ah si loo ilaaliyo inay isku dhacaan tartanka Champions League.

Kulamada lugta hore waxaa la ciyaari doonaa, 13-ka bisha Abriil, halka lugta labaadna la ciyaari doono 20-ka Abriil.

Halkee sanadkan lagu ciyaari doonaa Final ka Europe League?

Friends Arena - Solna, Sweden

Waxaa lagu ciyaari doonaa gegada Friends Arena, magaalada Solna ee dalka Sweden, maalin sabti ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 24-ka May, saacada 21:45-habeenimo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close