Siduu u arkaa kabtan Iniesta dib u soo laabashada Thiago Alcantara?

(Barcelona) 17 Maarso 2017 Kabtanka Barcelona ee Andres Iniesta ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxdiisa dib u soo laabashada laacibkoodii hore ee Thiago Alcantara.

Agaasimaha dhanka ciyaaraha ee Barcelona ayaa la arkay isaga oo daawanaya kulankii Thiago Alcantara uu 2-da gool ka dhaliyay kooxda Arsenal, kulankii lugta hore ee wareega 16-ka koobka horyaalada yurub.

Andres Iniesta ayaa albaabka u furay dib u soo laabashada Thiago Alcantara kaas oo uu u arko laacib muhiim ah isla markaana sameeyay hormar badan.

Image result for Andres Iniesta and Thiago Alcantara

“Thiago waa laacib ka soo baxay akadeemiyada Barcelona, sanado badan ayuuna la qaatay kooxda koowaad, wuxuu leeyahay xirfad badan, ani ahaan wuxuu ii yahay mid kamid ah xidigaha qadka dhexe ee ugu fiican aduunka” ayuu yiri Kabtan Iniesta.

“Wali waa laacib da’yar, mustaqbalkiisuna waa mid furan, haddii uu go’aansado inuu dib ugu soo laabto Barcelona wuxuu noqonayaa war u fiican dhamaan, waxaan u arkaa inuu yahay laacib muhiim ah oo hormar badan samaynaya”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close