Raul Gonzalez oo amaanay Bayern Munich ka hor isku aadka wareega 8-da ee Champions League

(Munich) 17 Maarso 2017 Halyeeyga kooxda Real Madrid ee Raul Gonzalez ayaa amaanay kooxda Bayern Munich ka hor isku aadka wareega 8-da ee Champions League.

Bayern Munich ayaa wadata awood xad dhaaf ah xiliciyaareed kan, waxayna 10-2 uga soo adkaatay kooxda Arsenal labadii lug ee wareega 16-ka.

Raul Gonzalez ayaa sheegay in Bayrn Munich ay haysato ciyaartoy tayadoodu ay aad u sarayso, wuxuuna intaa ku daray in kooxdu ay diyaar u tahay inay soo hoyso guulo waqtigaan uu sii dhamaanayo xiliciyaareed ka.

Image result for raul gonzalez

“Awooda ciyaartoyda Bayern Munich iyo tayadooda waa mid aad u saraysa” ayuu u sheegay Raul Gonzalez wargayska Kicker ee dalka Jarmalka.

“Kooxdu waxay hogaanka u haysaa horyaalka, cajiib ayeeyna ahaayeen kulankii Arsenal, diyaar ayeeyna u yihiin inay guul u keenaan Ancelotti waqtigaan xasaasiga ah” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close