Pepe iyo Varane oo markale ka maqnaanaya kooxda Real Madrid

(Madrid) 17 Maarso 2017 Tababare Zinedine Zidane ayaa markale ku qasbanaanaya inuu daaficiisa dhexe ka dhigo Ramos iyo Nacho Fernandez sida ay baahisay Marca.

Real Madrid ayaa barri u safri doonta kooxda Bilbao, waxaana la sheegay in Pepe uusan ka qayb qaadan tababarkii shalay ee ciyaartoyda kooxda.

Daafaca reer Portugal ayaa sameeyay tababar isaga u gooni ah kaas oo uu uga soo kabsanayo dhaawac soo gaaray, waxaana loo badinayaa inuu seego kulanka barri.

Image result for Pepe and Varane

Sidoo kale Raphael Varane ayaa dib u bilaabay tababarka gaarka ah inkasta oo uusan ku soo biirin tababarka buuxa ee kooxda, wuxuuna tababar gooni ah la qaatay dhaqtarka gaarka ah ee kooxda.

Waxaana la filayaa in labadaan daafac ay markale ka maqnaadaan kooxda, taas oo fursad siinaysa Nacho iyo Ramos inay iska garab ciyaaraan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close