Mourinho oo xaqiijiyay in Pogba uu dhaawac ku seegi doono kulanka Middlesbrough ee Axada

(Manchester) 17 Maarso 2017 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in Paul Pogba uu dhaawac ku seegi doono kulanka axada ee Middlesbrough.

Laacibka reer France ayaa dhaawac ku baxay kulankii xalay ay United 1-0 uga adkaatay kooxda dalka Ruushka ee FC Rostov oo marti u ahayd.

Mourinho ayaana xaqiijiyay in Pogba uusan ciyaari doonin kulanka Middlesbrough isaga oo sheegay inuusan hubin waqtiga dhabta ah ee uu dib ugu soo laabanayo kooxda.

Tabaare Jose ayaa la waydiiyay su’aalo dhawr ah oo ku aadan dhaawaca Pogba, waxayna u dheceen sidaan:

-Miyuu ka dhaawacmay Pogba qaybta dambe ee muruqa bowdada? Mourinho ayaa ku jawaabay: Haa.

-Ma ciyaari karaa kulanka Middlesbrough? Mourinho ayaa ku jawaabay: Wuxuu ciyaari doonaa kulanka Middlesbrough ee xiliciyaareedka dambe, waxaa hubaal ah inuusan u ciyaari doonin xulkiisa qaranka isbuuca xulalka”.

-Miyuu soo laabanayaa 2-isbuuc kadib? Mourinho ayaa ku jawaabay: Haddii aan iraahdo laba isbuuc rajo badan ayaan muujiyay, dhabtii ma hubo inta uu maqnaanayo laakiin waxaa hubaal ah inuusan ciyaari doonin kulanka Middlesbrough”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close