Mourinho oo xalay Moos siiyay Marcos Rojo, muxuuse ka yiri falkaas? (Muuqaal)

(Manchester) 17 Maarso 2017 Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa xalay sameeyay arin qosol leh kadib markii uu Moos siiyay daaficiisa Marcos Rojo ciyaarta oo socota.

Kaamirooyinka ayaa qabanayay tababare Mourinho oo Moos siinaya laacibkiisa reer Argentina qaybtii dambe ee ciyaarta.

Wuxuuna sheegay in Marcos Rojo uu dareemayay daal farabadan taasna ay keentay inuu ku caawiyo Moos si uu u helo tamar u suurogalisa inuu iska difaaco weerarka kooxda Rostov, United ayaana 1-0 ku hogaaminaysay ciyaarta waqtigaas.

“Marcos Rojo aad ayuu u daalanaa, sidaas darteed ayuu codsaday in la siiyo Moos, wixii dhacay marnaba ma ahayn wax lagu qoslo” ayuu yiri tababare Mourinho dhamaadkii ciyaarta.

“Rojo wuxuu ku sugnaa xaalad jir ahaaneed oo liidata, arinkii Moos-ka ma ahayn wax fiican, laakiin waa inaan ixtiraamnaa xaalka jir ahaaneed ee laacibka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close