Maxaa keenay hoos u dhaca Cristiano Ronaldo? Raul ayaa ka jawaabaya

(Madrid) 17 Maarso 2017 Halyeeyga kooxda Real Madrid ee Raul Gonzalez ayaa daaha ka qaaday sababta dhabta ah ee ka danbaysa hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedka Ronaldo.

Xiddiga reer Portugal oo sanadkii hore Champions League iyo Euro u qaaday kooxdiisa iyo xulkiisa ayaa ku guulaystay intabadan abaal marinadii la bixiyay sanadkii dhamaaday ee 2016.

Laakiin Ronaldo ayaa laga dareemayaa hoos u dhac wayn, Raul ayaa sheegay in laacibka uu xooga saaro gool dhalis iyo orodkiisii badnaa oo yaraaday ay sabab u tahay hoos u dhaca ku yimid.

“Ronaldo wuxuu bilaabay inuu ka ciyaaro meel u dhaw xerada ganaaxa, waa wax ku adag inkasta oo uu leeyahay awood uu halkaas uga ciyaari karo” ayuu yiri Raul Gonzalez.

Image result for Raul and Ronaldo

“Wuxuu waayay xoogaa arodkiisii badnaa oo horay loogu yaqaanay waana wax iska caadi ah marka la fiiriyo da’da uu jiro, sidoo kale waxaa yaraaday xirfadiisa ku aadan inuu dhaafo ciyaaryahan laakiin waa laacib aan uga baranay marwalba inuu sameeyo waxyaabo waa wayn”.

“Ronaldo wuxuu ku guulaystay laacibka ugu fiican aduunka, ilaa haatana wuxuu soo bandhigayaa qaab ciyaareed fiican, waqtiga soo socda waxaa lagalayaa xiligii ugu xasaasi sanaa xiliciyaareedka, markaas ayuuna soo muuqdaa xiddigu, waxaanan rajaynayaa inuu soo muuqdo maadama uu ku jiro heer sare”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close