“Man  United waxay soo iibsatay ciyaartooy aan waligeey soo iibsan lahayn, waxayna iska iibisay kuwa aan waligeey iska iibin lahayn.”. Jose Mourinho

mourinn

(England) 17 Mar 2017. Jose Mourinho ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay siyaasada suuqa ee kooxda Man United mar uu u waramayay wariyaha Gary Lineker ee ka howl gala hilinka BBC.

Tababaraha reer Portugal ayaa sheegay inuusan marna iska iibin lahayn ama uusan kooxdiisa ka diri lahayn weeraryahanada Angel di Maria, Javier Hernandez ama Danny Welbeck.

“Manchester United waxay iska iibisay ciyaartooy aan marna iska iibin lahayn, waxayna soo iibsatay ciyaartooy aan weligeey soo iibsan lahayn,” Jose ayaa sidaa ku waramay.

http://cdn-03.independent.ie/incoming/article35538569.ece/7ed17/AUTOCROP/h342/

“Marna iskama iibiyeen [Angel] di Maria, Chicharito [Javier Hernandez], Danny Welbeck, marna.”.

Man Unied ayaa 2014 Danny Welbeck ka iibisay kooxda ay xifaaltamaan ee Arsenal lacago dhan 15-milyan oo bound.

Halka Chicharito uu u baqoolay naadiga Bayern Leverkusen kaddib sanad amaah ah uu ku soo qaatay kooxda Real Madrid.

Angel Di Maria ayaa isna ku biiray kooxda maal qabeenada ee PSG kaddib sanad murugo leh uu la soo qaatay Red Devils.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close