IIB ISKA DABA-WAREEG AH: Qorshihii iibka AC Milan oo qarka u saaran in uu burburo!

(Milano) 17 Maarso 2917 – Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in dalladda Chinese-ka ah ee iibsan lahayd AC Milan ee Sino-Europe Sports ay ku tala jirto inay gebi ahaanba ka baxdo iibka daba dheeraad ee AC Milan.

Maamulka Milan ayaa SES ka dhowraya inay bixiyaan €100m oo kale si loo dhamaystiro iibka, balse La Repubblica ayaa sheegaya in dalladdu ay ka baaraan degeyso inay beeca oo idil ka baxdo.

Bixinta lacagtan oo ah middii 3-aad ayaa waxaa ku adkaysanaya maamulka Milan si kaddib loo kala saxiixdo heshiis kale oo rasmi ah oo dhigaya in midka kama dambaysta ah la saxiixo 7-da Abriil, taasoo iminka la leeyahay waaba mid aan dhici doonin.

Haddii ay sidani dhaboowdo, wuxuu warkani sheegayaa in milkiilaha Silvio Berlusconi ay u xalaaloobi doonto €200m oo euro oo ay dalladdani horay u bixisay intii ay socdeen wada xaajoodyadan iibka Rossoneri.

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close