Ibrahimovic oo kashifay wax uu Galliani ku sameeyay funaanadda Inter!!

(Milano) 17 Maarso 2017 – Zlatan Ibrahimovic ayaa daboolka ka qaaday in Adriano Galliani uu baajka Scudetto-ha gacantiisa uga soo jeexay funaanadda Inter Milan isagoo ku dhejiyay midda AC Milan.

Qannaaskan reer Swedish ayaa Rossoneri ku biiray isagoo Barcelona uga yimi xagaagii 2010-kii, isagoo kula guulaystey Scudetto sanadkiisii 1-aad.

“Qosykaygu aad bay ugu faraxsanaayeen Milan,” ayuu Ibrahimovic u sheegay hilinka Fox Sports.

“Waxana la hadlay Galliani iyo [madaxwayne Silvio] Berlusconi waxayna iga dhaadhiciyeen inaan iyaga kusoo biiro iyagoo i siiyey dhiirre gelin micne leh.

“Waxaan ahayn koox adag. Markii aannu ku guulaysanney horyaalka, waxaan xusuustaa Galliani oo noogu yimid qolka lebbiska isagoo gacanta ku sida funaanadda Inter kaddibna wuxuu kasoo fujiyay baajka seddexda midab leh ee Scudetto isagoo nagu yiri: ‘Hadda idinkaa iskal leh’. ayuu yiri Ibra.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close