Kullamo ka tirsan horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya oo galabta la ciyaari doono

kkkkk

(Muqdisho ) 16 Maarso 2017-Kullamo aad u xiiso badan ayaa galabta lagu ciyaari doonaa garoomada Koonis iyo Jamaacadaha kuwaas oo ka tirsan horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya.

Xiriirka kubadda cagta ayaa dhawaan shaaciyay inta laga gaarayo 20-ka bisha oo uu dib u furmayo heerka koowaad lasii ciyaari doono Sera B-da Soomaaliya.

Galabta garoonka Jaamacadaha waxaa ku ciyaari doono kooxaha OFC iyo Rajo oo si weyn loogu riyaaqay kubadooda waxaana naadi kaste ay dooneysaa in ay guul gaarto.

Dhanka kale garoonka Banaadir waxaa isku arkaya kooxaha Saxafi iyo Somali Fruit oo qeyb ka ah naadiyada ka qeyb qaadanaya horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close