Isku aadka tartanka degmoyinka kubadda gacanta ee gobolka Banaadir oo la sameeyay+ SAWIRRO

17218292_649299305253382_7432374369912365839_o

(Muqdisho ) 16 Maarso 2017-Muddo kaddib waxaa la qaban doonaa tartanka kubadda gacanta wiilasha degmooyinka gobolka Banaadir oo ay ka qeyb qaadanyaaan 12 degmo.

Gobolka Banaadir  ayaa ka kooban 17 degmo balse qaar ka mid ah degmooyin ayaana isku diyaarin ka qeyb qaadashada tartankaan.

Degmooyinka aan kasoo dhex muuqan doonin waxaa ka mid ah  Xamar Jab Jab, Xamar Weyne, Dharkeenleey, Wadajir iyo Hilliwaa sida jadwalka ku cad.

Waxaa isku guruub noqday Hoowl Wadaag,Yaqshiid iyo Shangaani oo ku jira guruubka A, halka B ay ku jiraan degmooyinka  C/Casiis,Dayniile iyo Wabari.

Degmooyinka sida weynu xifaaltama ee Warta Nabadda iyo Boondheere ayaa wada galay guruubka C, iyadoo sido kale guruubkaas ay qeyb ka tahay  Hodan.

Guruubka ugu dambeeya ee D waxaa ku wada jira degmoyinka Kaxda,Kaaraan iyo Shibis, waxaana lagu wadaa tartankan in uu dhawaan furmo.

Sikastaba in ka badan 20 sanno lama qaban tartankan, waana muddo kaddib markii ugu horeysay iyadoo lagu qaban doono garoonka Wiish sida ay xaqiijiyeen xiriirka kubadda gacanta iyo maamulka Isboortiga gobolka Banaadir.

17218292_649299305253382_7432374369912365839_o 17239642_649299341920045_901194824643904989_o 17239864_649299185253394_2126298184782173268_o 17240067_649299238586722_2394820020933422384_o 17310377_649299205253392_6505499501488535674_o 17349787_649299265253386_2766400647988297294_o  17354961_1763591810324154_417265580_n 17358521_649299391920040_6727059768859045325_o

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close