Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhex-dhexaadin doona kullan ka tirsan CAF Champion League

17361826_1028305033969337_2836502315375949334_n

(Muqdisho ) 16 Maarso 2017-Garsoorayaal Soomaaliyeed ayaa ka amba baxay garoonka Aadan Cadde iyagoo kusii jeeda dalka Itoobiya si ay u dhex dhexaadiyaan kullan ka tirsan CAF Champion League.

Soomaaliya ayaa si weyn loogu amaanaa doorka garsoorka iyagoo markaste kullamada kusoo dhex dhexaadiya si guul ay ku dheehan tahay.

Garsoorayaasha Soomaaliyeed ayaa dhex dhexaadin doono kullan ay isaga hor imaanayaan kooxaha  Saint George  iyo AC Leopards oo ka kala dhisan wadamada Congo iyo Itoobiya.

Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Bari) ayaa noqondoona garsooraha dhexe ee ciyaarta halka calanwalaha 1-aad uu yaha  Axmed Cabdullhi Faarax (Baroodo) calan-sidaha  2-aadne waa Cabdullahi Sheikh Aweys,halka Sargaalka  4-aad uu yahay Bashiir Colaad.

Kullankii koowaad ayaa 12-kii bishaan ka dhacay garoonka  Denis Sassou ee magaalada  Dolisie, waxa uuna kusoo dhammaaday 1-0 oo ay ku badisay kooxda reer Itoobiya ee Saint George, waxaana dhex dhexaadinyay garsoorayaal kasoo jeeda DR Congo.

Saint George   iyo AC Leopards ayaa ciyaartooda waxa ay ka dhici doontaa Addis Ababa Stadium, waxaana horay qorshaha uu ahaa in lagu ciyaaro Garoonka Hawassa ee magaalada Awasa ee Itoobiya.

Sikastaba Garsoorayaasha Soomaaliyeed  ayaa sanadkaan billowga ah dhex dhexaadiyay kullan dhex maray  Al Merreikh iyo Djibouti Telecom  kana tirsanaa Arab Club Championship, iyo ciyaar ay is wajaheen kooxaha  Sony Ela iyo ALMerrikh kana mid aheyd kullamadii wareega hore ee CAF Champion League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close