Dhaliyihii Bariga Dhexe oo ku biiray kooxda Gaadiidka

IMG_0285

(Muqdisho ) 16 Maarso 2017-Naadiga  Otebaarka ayaa la soo wareegtay dhaliyaha halista ah ee Xasan Suarez kaasoo wajigii koowaad ee horyaalka ka tirsanaa  kooxda Bariga Dhexe.

Xiddigan ayaa sanadkii la soo dhaafay ka ciyaarayay horyaalka heerka labaad, waxaana bandhigiisa qurxoon ay keentay in ay la soo saxiixato kooxda ka dhisan Shabeelaha Hoose.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan kusoo biiro Gaadiidka, waayo waa koox awood badan waxaan rajeynayaa in aan koobab iyo guulo taariikhi ah la gaaro ayuu yiri Xasan.

Xasan ayaa wajiga hore horyaalka dhaliyay afar gool oo uu ku jiro billisoon uu ka ansixiyay kooxda Dekedda, waxaana Bariga Dhexe uu ugu tagay iyadoo leh 10 dhibcood.

Sikastaba waa saxiixii labaad Gaadiidka ay sameyso iyadoo horay ula soo wareegtay kabtankii Waxool ee Gurxan.

IMG_0287

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close