“Atletico Madrid ayaa ugu cad cad hanashada Champions League” – Chicharito

(Madrid) 16 Maarso 2017 Weerar yahanka kooxda Bayer Leverkusen ee Javier Hernandez Chicharito ayaa daaha ka qaaday kooxda ugu cad cad hanashada koobka horyaalada yurub ee xiliciyaareed kan.

Atletico Madrid ayaa xalay 0-0 lagashay kooxda reer Jarmal, laakiin waxay ku soo baxeen guushii 4-2 ee ay uga soo adkaadeen kulankii lugtii hore.

Chicharito ayaa sheegay in kooxdiisu ay la ciyaartay mid kamid ah kooxaha ugu cad cad hanshada koobka horyaalada yurub xiliciyaareed kan.

“Waxaan la ciyaarnay mid kamid ah kooxaha ugu fiican aduunka, sidoo kale waa kooxda ugu cad cad ku guulaysiga Champions League” ayuu yiri dhamaadkii ciyaarta.

“Waan ogayn in kulanku uu adagyahay, sifiican ayaan u ciyaarnay marka lala barbar dhigo kulankii hore, nasiib xumo ma aanaan dhalin fursadihii aan helnay”.

“Haatan waxaan xooga saaraynaa horyaalka si aan boos uga helno koobabka yurub”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close