WARBIXIN: Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka sideed dhammaadka Champions League, imise koox ayaa soo baxay, goormaase la ciyaarayaa???

Champions League ball is drawn by UEFA Champions League final ambassador Steve McManama during the UEFA Champions quarter-finals draw on March 15, 2012 at the UEFA headquarters in Nyon, Switzerland. Champions League favourites Barcelona will play big-spending Paris Saint-Germain in the pick of the quarter-final matches after the draw was held in Nyon, Switzerland today. AFP PHOTO / SEBASTIEN FEVAL        (Photo credit should read SEBASTIEN FEVAL/AFP/Getty Images)

(Europe) 15 Mar 2017. Champions League ayaa soo gaaray meelihiisii ugu xiisaha badnaa iyadoo caawa la sugayo cidda ka soo baxda Man City iyo Monaco oo is haya iyo Leverkusen oo wajaheysa Atletico Madrid si uu u dhammeystirmo 8-da kooxood ee ciyaaraya wareega sideeda.

Ilaa iminka 6-kooxood ayaa xaqiiqsatay booskooda quarter-final, Real Madrid, Barcelona, Bayern Munich, Juventus, Dortmund iyo Leicester City.

Haddaba goorma ayaa la sameynayaa isku aadka wareega sideed dhammaadka Champions League?

Waxaa la sameyn doonaa maalinka jimcaha ah marka ay saacada geyska Afrika tilmaameyso 02:00pm, labada duhurnimo, iyadoo dabadeedna la sameyn doono isku aadka Europe League.

Image result for champions league quarter final draw

Halkuu ka dhacayaa isku aadka?

Waxaa lagu qaban doonaa sida aan horeyba marar badna u soo aragnay Nyon ee dalka Switzerland.

Waa kuwee kooxaha ka qeyb qaadanaya isku aadka wareega sideed dhammaadka?

Real Madrid, Barcelona, Bayern Munich, Juventus, Dortmund , Leicester City iyo cida ka soo baxda caawa kulamada Monaco vs Man City iyo Bayern Leverkusen iyo Atletico Madrid.

Ku darso tirada lugtii hore Man City waxay ku soo adkaatay 5-3 halka ay Atletico iyana lugtii hore ku soo badisay 4-2.

Goorma ayaa la ciyaari doona sideed dhammaadka Champions League:

Waxaa la ciyaari doonaa labo Usbuuc oo ka tirsan bisha Abriil habeenada Talaadada iyo Arbacada.

Lugta hore waxaa la kala ciyaari doonaa 11-ka Abriil iyo 12-ka Abriil iyadoo lugta labaad la ciyaari doono usbuuc kaddib 18ka iyo 19-ka Abriil.

Ma jiraan kooxo la kala ilaalinayo sida inay isku wadan yihiin ama ay group-yada isku soo arkeen?

Maya, ma jiraan oo waa isku aad furan oo sidii la doono ayaa la isugu aadinayaa ma jirto kooxo la kala ilaalin doono.

Halkuu sanadkan ka dhacayaa Final-ka Champions League?

Millennium Stadium

Waxaa lagu ciyaari doonaa gegada Millennium Stadium ee magaalada Cardiff ee dalka Wales, maalin sabti 3-da bisha June oo ay saacadu ku beegan tahay 21:45 habeenimo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close