RIKOODHADII laga diiwaan geliyey kulankii barbaraha ku idlaaday ee dhexmaray kooxaha Atlético Madrid iyo Bayer Leverkusen ee Champions League

C6_YSzsWYAcXc_0

(Madrid) 16 Maajo 2017 – Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa xalay u soo baxday siddeed dhammaadka koobka horyaallada Yurub kaddib markii ay barbaro garoonkeeda Vicente Calderon kula gashay Bayer Leverkusen.

Atletico Madrid ayaa gaartay siddeed dhammaadka Champions League, inkastoo ay barbarahaas gool la’aanta ah Calderon kula gashay kooxda Bayer Leverkusen, balse kooxda tababare Diego Simeone ayaa shaqadeeda ugu badan soo qabsatay kulankii lugtii koowaad ee ka dhacay Jarmalka, waxayna Atletico Madrid ku soo baxday isku dar goolal gaaraya 4-2.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

>- Atlético ayaan gool laga dhalin siddeedii kulan ee ugu dambeeyey ee ay garoonkeeda ku ciyaartay Champions League tan iyo guushii 4-1 ee ay ka gaareen AC Milan 11 Maajo 2014, lugtii ugu labaad ee wareeggii 16-ka waxaana goolkaas ka dhaliyey Kaká.

>- Kooxda Atlético Madrid ayaa gaartay quarter-finals ama siddeed dhammaadka Champions League markeedii shanaad.

>- Atlético Madrid ayaa siddeed dhammaadka Champions League gaartay afar xilli ciyaareed oo xiriir ah waana xilli ciyaareedyadii 2013/14, 2014/15, 2015/16 iyo 2016/17.

>- Javier Hernández ayaa saftay kulankiisii 46-aad ee Champions League, waana kan ugu badan ciyaaryahan kasta oo Mexican ah, isagoo ka sare maray Rafael Márquez.

>- Diego Pablo Simeone ayaa noqday tababaraha kaliya ee gaara siddeed dhammaadka Champions League mid kasta oo ka mid ah afartii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

>- Jan Oblak ayaa 6 badbaado ka sameeyey kooxda Bayer Leverkusen mana jiro goolhaye ka badan inta badbaado oo uu sameeyey Oblak, marka la eeg wareegga 16-ka Champions League xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close