RIKOODHADII laga diiwaan geliyey kulankii ay Monaco kooxda Man City ka ciribtirtay Champions League

C6_XOY6WYBMDx1J

(Monaco) 16 Maajo 2017 – Kooxda kubadda cagta Monaco ayaa u soo baxday siddeed dhammaanka Champions League kaddib markii ay guul ka gaartay 3-1 ka gaartay xalay naadiga Ingiriiska ee Manchester City lugta labaad ee wareegga 16-ka koobka horyaallada Yurub.

Monaco waxa ay saddex gool ee kulan ka kala heshay 8’daqiiqo Kylian Mbappe, 29’daqiiqo Fabinho iyo 77’daqiiqo Tiemoue Bakayoko, halka Man City goolka qura ee kulankan ay ka heshay Leroy Sane.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

>- Man City ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee taariikhda Champions League ee lagu reebo kulamada bug-baxa, iyadoo lugta hore soo dhalisay 5 gool.

>- Tani waxa ay ahayd markii ugu horreysay oo koox uu tababare u yahay macallin Pep Guardiola lagu reebo wareegga 16-ka Champions League.

>- Kooxda Manchester City ayaa laga dhaliyey goolal badan Champions League xilli ciyaareedkan oo la mid ah inta laga dhaiyey Arsenal oo ah 16 gool.

>- Leroy Sané ayaa dhaliyey 7 gool oo ka yimid 11 shuut oo bartilmaameed toos ah oo uu xilli ciyaareedkan u sameeyey kooxdiisa Man City tartammada oo dhan.

>- Man City ayaa ku guuldarreysatay inay samayso hal isku day oo shuut ah qeybta hore ee ciyaarta kulan Champions League markeedii ugu horreysay ebid.

C6_XOy8WcAEmRon

>- Fabinho ayaa gacan ka geystay saddex gool oo Champions League ah labo kulan oo uu ka horyimid kooxda Man City xilli ciyaareedkan, hal gool waa uu ka dhaliyey, labo kalena waa uu ku dhiibay.

>- Kylian Mbappé ayaa dhaliyey 11 gool 11-kiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray tartammada oo dhan.

>- Mbappé oo 18-sano jir ah ayaa 17 kulan ku soo bilowday safka Monaco xilli ciyaareedkan, waxaana uu dhaliyey 16 gool kulamadaas.

>- David Silva ayaa saftay kulankiisii 50-aad ee Champions League, waxaana uu sidaas ku noqday xiddigii 25-aad ee Spain ah oo heerkaas gaara.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close