Atletico Madrid oo u gudubtay siddeed dhammaadka Champions League kaddib barbaro ay la gashay kooxda Bayer Leverkusen… + SAWIRRO

(Madrid) 16 Maajo 2017 – Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa dhammaystirtay siddeeda kooxood ee u soo baxay siddeed dhammaadka koobka horyaallada Yurub kaddib barbaro ay garoonkeeda Vicente Calderon kula gashay Bayer Leverkusen.

Kulankan ayaa inkastoo la isku helay fursad goolal loo filan karay labada dhinaca qeybtii hore, haddana ma aysan dhicin inay shabaqa gaaraan waxaana lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta wax badan iskama bedelin kulanka kooxda Atletico ayaana difaaceeda adkeysatay iyadoo labada kooxoodba ay ku guuldarreysteen inay gool dhaliyaan kulankan, ciyaarta ayaana waqtigii loogu talo galay ku soo dhammaaday barbaro goolal la’aan 0-0.

Atletico Madrid ayaa u soo baxday siddeed dhammaadka Champions League, inkastoo ay barbarahaas gool la’aanta ah Calderon kula gashay kooxda Bayer Leverkusen, balse kooxda tababare Diego Simeone ayaa shaqadeeda ugu badan soo qabsatay kulankii lugtii koowaad ee ka dhacay Jarmalka, waxayna Atletico Madrid ku soo baxday 4-2 uu kulankii hore ku soo dhammaaday.

Atletico Madrid ayaa sidaas ku dhammaystirtay kooxaha u soo baxay wareegga siddeed dhammaadka Champions League, todobada kooxood ee kale ayaana kala ah Real Madrid, Barcelona, Bayern Munich, Juventus, Dortmund, Leicester City iyo Monaco.

SAWIRRO:

C6_IJLLWoAA_ojI

C6_IJLMW0AAnXjU

C6_IJLxWkAQT46I

C6_IJLYXAAACXy2

C6_YSDFWYAUeMql

C6_YSZbWkAAlP3W

C6_YSzsWYAcXc_0

C6_YTTRWcAAVcTo

C6_ZB2TWYAQvTK2

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close