AC Milan oo il gaar ah ku haysa arbaha Romelu Lukaku (Kooxo badan oo ku haysta!)

(Milano) 15 Maarso 2017 – Wararka kasoo baxaya Talyaaniga ayaa tibaaxaya in AC Milan ay xiisaynayso inay dalab u dirsato qannaaska Everton ee Romelu Lukaku suuq-xagaagan.

Kooxda Rossoneri ayaa waxay bartamaha uga jirtaa wada xaajood daba dheeraaday oo lagu iibinayo taasoo lkn haddii ay hirgasho dakhli hor leh soo gelin doonta, haddii uu saxiixo dhco 7-da Abriil.

Sida uu dhigayo calciomercato.it, weerarkan reer Belgian ayaa taxa sare kaga jira laacibiinta ay bartilmaameedsanayso AC Milan, gaar ahaan kaddib markii ay soo bexeen warar sheegaya inuu diiday saxiixa qandaraas cusub oo ku sii hayn lahaa naadigan Merseyside.

Naadigan Premier League ayaa laacibka ku shukaaminaya qandaraas 5 sanadood ah oo uu todobaadkii ku qaadanayo £140,000 oo gini, iyagoo ku qiimaynaya €80m oo euro, balse AC Milan ayaa hardan ka wajahaysa Chelsea, Manchester United, Arsenal, Atletico Madrid iyo PSG oo wada doonaya 23-jirkan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close