Muxuu Luka Modric ka yiri inuu kulankiisii 200-aad xalay u saftay Real Madrid??

modric

(Madrid) 13 Mar 2017. Tan iyo markii uu Real Madrid u saftay kulankiisii ugu horreeyay mar ay Spanish Super Cup ku wajaheen Barcelona 29-ka bishii August ee 2012, Luka Modric ayaa xalay kulankiisii 200 aad u saftay Los Blancos ciyaartii ay ka adkaadeen Real Betis.

Wadar ahaan, wiilka reer Croatia ayaa u saftay Madrid 131-kulan La Liga, 16-kulan Copa del Rey, 46-kulan Champions League, saddex kulan Spanish Super Cup, 2-jeer Supercopa d’Europa iyo labo jeer oo Club World Cup ah.

Kaddib markii ay dhammaatay ciyaartii xalay, madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa qolka dhar badelashada ku guddoonsiyay Modric maaliyad muujineysa inuu kulankiisii 200-aad u saftay kooxda cad cad-ka.

Real Madrid superstar Cristiano Ronaldo scored just before the break after a brilliant cross from Marcelo

“Labo boqol oo kulan wax badan ayay la micno tahay,” Modric ayaa sidaa yiri.

“Aad baan ugu faraxsanahay uguna faanayaa inaan qeyb ka ahay kooxdan wayn waxaana rajeynayaa inaan ciyaari karo 200 kulan oo kale aana sii wado inaan ku guuleysto koobab badan.

“Waxaan aaminsahay inaan u koray ciyaaryahan iyo shaqsi ahaanba.

“Waan ku qanacsanahay ciyaarteyda waana sii wadi doonaa inaan bixiyo wax kasta.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close