“Haddii aan ku guuleysan weyno Premier League waxay la mid noqoneysaa sheekadii PSG ka qabsatay Barcelona.” Eden Hazard

hazard

(London) 13 Mar 2017. Eden Hazard ayaa wal wal ka qaba Premier League xilli ay kooxdiisa ku hogaamineyso 10-dhibcood oo nadiif ah isla markaana uu horyaalka ka harsan yahay 11-kulan oo qura.

Xiddiga reer Belgium ayaa tusaale u soo qaatay jabkii PSG ka soo gaaray Barcelona tartanka Champions League xilli ay garoonkooda ku soo adkaadeen 4-0 balse loogu jawaabay 6-1.

“Waad aragtay wixii ka dhacay Camp Nou,” Hazard ayaa sidaa yiri.

“Haddii aan ku guuleysan wayno horyaalka xilli ciyaareedkan waxaan u maleynayaa waa wax la mid ah sheekadii PSG, waa isla dareenkaas.

Eden Hazard in action for Chelsea against West Ham in a game where he scored the opening goal

“Maxaa yeelay, waad ogtahay  4-0 ayaad ku soo guuleysatay gurigaaga intaa kaddib waxaad mooday inaad soo gudubtay.

“Haddii aan horyaalka ku guuleysan wayno kal ciyaareedkan waxay la mid noqoneysaa dareen la mid ah midkii PSG maxaa yeelay waxaan heysanaa fusrada aan horyaalka ku qaadno sidaa darteed waa inaan sameynaa.

“Laakiin goor horeba haka fikirin horyaalka, ka fikir kulanba kulanka xiga.”.

Hazard iyo iyo kooxdiisa Chelsea ayaa caawa Stamford Bridge ku wajihi doona tababarahoodii hore ee Jose Mourinho kaa oo hogaaminaya Man United kulan ka tirsan sideed dhammaadka FA Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close