Cristiano Ronaldo oo labo RIKOODH ku sameeyey goolkii uu xalay ka dhaliyey kooxda Real Betis

(Madrid) 13 Maajo 2017 – Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa xalay sameeyey labo rikoodh oo waa wayn kulankii horyaalka La Ligaha Spain ee ay kooxdiisu guul soo laabasho 2-1 ah ka gaareen Real Betis.

Ronaldo ayaa xalay Madax ugu dhaliyey kooxdiisa Rdeal Madrid goolka barbaraha ka hor inta uusan kabtan Ramos goolka guusha ku hoggaamin cad-cadka.

Haddaba Ronaldo ayaa goolkaas ku sameeyey labo rikoodh waxaana CR7 uu xalay barbareeyey xiddiga taariikhda ugu goolasha badanaa horyaallada waa way nee Yurub, isagoo sidoo kalena noqday laacibka madaxa ugu badan gool ku dhaliyey horyaalka La Liga.

C6wJUh0WYAA2NTd

Ronaldo waxa uu xalay dhaliyey goolkiisii 366-aad ee dhanka horyaalka marka la isku geeyo dhammaan goolashii uu ka soo dhaliyey horyaalladii uu ka soo ciyaaray.

Kabtanka Portugal ayaana ka soo ciyaaray horyaalka dalkiisa Portugal oo uu kooxda Sporting u soo dhaliyey 3 gool, Man United oo Ingiriiska ahna waxa uu horyaalka Premier League ugu dhaliyey 84 gool, halka horyaalka La Liga uu Real Madrid ugu saxiixay 279 gool.

Ronaldo waxa uu xalay sidaas ku barbareeyey Jimmy Greaves oo isna horyaalladii uu ka soo ciyaaray isku dar ka dhaliyey 366 gool, (124 gool waxa uu dhaliyey Chelsea, 220 gool waxa uu u dhaliyey Spurs, 13 gool waxa uu u dhaliyey West Ham, halka AC Milan uu saxiixay 9 gool oo horyaalka ah).

Ronald

Dhinaca kale Cristiano Ronaldo ayaa rikoorka ciyaaryahanka dhaliyay madaxa ugu badan horyaalka La Liga xiddigaha  hadda ciyaara kala wareegay weeraryahanka Bilbao ee Aritz Aduriz.

Laacibka reer Portugal ayaana xalay madax ku dhaliyey goolkiisii 46-aad ee horyaalka La Liga kulankii ay ka adkaadeen Real Betis, isagoo sidaa kaga sare maray Aritz Aduriz oo 45 gool madax ku dhaliyey horyaalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close