Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain oo ku soo biiray kooxaha doonaya difaaca Napoli ee Faouzi Ghoulam

SSC Napoli v FC Torino - Serie A

(Naples) 13 Maajo 2017 –  Kooxaha Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay ku soo biireen xusul duubka loogu jiro saxiixa difaaca Napoli ee Faouzi Ghoulam.

26-sano jirkaan kaasoo sidoo kale la la xiriirinayey kooxda Premier League ee Manchester City ayaa Napoli kaga soo biiray naadiga Saint-Etienne xagaagii 2014 waxaana uu u saftay in ka badan 100 kulan kooxda reer Talyaani tartammada oo dhan.

Dambeedkan buuxa ayaa qandaraaskiisa waxa uu ka dhacayaa dhammaadka ololahan 2017-18, si kastaba, waxaa la fahansan yahay in wadahadalladii uu heshiiska ugu kordhin lahaa Napoli ay hakad ku jiraan weli.

Sida uu warinayo warsidaha Rai Sport horumarka uu xiddigan ka tirsan Napoli samaynayo ayaa soo jiitay kooxaha Bayern iyo PSG, kuwaasoo la rumaysan yahay inay dhiibi karaan xagaaga qiimaha ay kula soo saxiixan karaan xiddigan heerka caalami ee xulka qaranka Algeria.

Ghoulam ayaa 29 kulan u saftay kooxda Napoli tartammada oo dhan xagaagan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close