SARIE A: Inter Milan oo si wayn u soo nooleysay rajadeeda Champions League kaddib markii ay cashar u dhigtay Atalanta iyo kulamadii kale ee la ciyaaray… + SAWIRRO

C6uruewWYAELnW3

(Milan), 12 Maarso 2017    –Waxaa galabta la ciyaaray kulammo ka tirsan cayaarihii 28’ ee Serie A-da Talyaaniga, waxaana ugu xiiso badnaa kulankii Inter ay 7-1 ugu karti sheegatay kooxda Atalanta.

Fagtii horeba waxaa goolal lala gaaray kooxda Atalanta, waxaana Inter saddex goo loo xiriir ah u dhaliyay Mauro Icardi daqiiqadihii 17’ 23’ (gool ku laad) iyo 26’.

Intaa looguma ekeyn Atalanta e waxaa laba goo loo kale Inter u dhaliyay Ever Banega daqiiqadihii 31’ 34’ waloow Atalanta halka gool ee qura ee ciyaarta ay la yimaadeen daqiiqaddii 42’ waxaana u dhaliyay Freuler.

Inter oo goolal sidii daad uga dhigtay Atalanta ayaa misna sii wadday bah dilkii ay ku wadday naadigan, waxaana ciyaaryahan Roberto Gagliardini uu Internazionale u dhaliyay goolkii 6-aad daqiiqaddii 52’ ka hor intii ciyaarta uusan goolkii 7-aad ku soo gunaanadin  Ever Banega daqiiqaddii  68’ taas oo ka dhigan in isaga iyo Icardi ay dhaliyeen min saddexleey (hat trick).

Kooxda Inter waxay ku jirtaa kaalinta 4’ iyadoo leh 54 dhibcood inkastoo Lazio oo ku jirta kaalinta 5’ iyadoo berry la ciyaari doonta Torino waxaana ay leedahay 53 dhibcood oo macneheedu yahay in haddii ay guuleysato ay ka sare mari doonto Inter.

Ciyaarihii kale ee la dheelay waxaa kooxuhu ay isku arkeen sidatan:

Sassuolo vs Bologna 0-1

Chievo vs Empoli 4-0

Fiorentina vs Cagliari 1-0

Pescara vs Udinese 1-3

SS Napoli vs Crotone 3-0

(Palermo vs Roma waxay ciyaari doonaan caawa).

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close