Real Madrid oo doonaysa inay dadajiso saxiixa David De Gea

(Madrid) 12 Maarso 2017 Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa doonaysa goolhayaha Manchester United ee David De Gea sida ay baahisay Mirror.

Real Madrid ayaa ka codsatay David De Gea inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa gaar ahaan inuu ku biirayo Real bilowga suuqa xaggaaga ee dhamaadka xiliciyaareed kan.

Kooxda reer Spain ayaa ka doonaysa De Gea in isbuuc ka hor bilowga bisha May laga doonayo inuu go’aansado ku biirida Real ama sii joogista kooxdiisa Manchester United.

ريال مدريد يستعجل دي خيا

Tababare Zidane ayaa dareensan in goolhaye Navas uu hoos u dhac wayn ku yimid xiliciyaareed kan, wuxuuna doonayaa in kooxdu ay soo iibsato goolhaye cusub.

Real ayaa ka fogaanaysa dhacdadii caan baxday ee David De Gea ka hor istaagtay inuu u dhaqaaqo dhankooda daqiiqadii ugu danbaysay ee suuqa xaggaagii 2015.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close