”Laga yaabee inay wada waalan yihiin naadiyada Napoli, Milan iyo Inter” – Maurizio Sarri oo u qariyay kooxda Juve

(Napoli) 12 Maarso 2017 – Macallinka kooxda SSC Napoli ee Maurizio Sarri ayaa isagoo ka hadlayay shirka jaraa’id ee aalaaba ka horreeya ciyaarta rasmiga ah oo ay markan ku wahayaan Crotone wuxuu ka hadlay fikirkiisa kulankii Jimcihii ee Juve-Milan.

Kulankan muranku ka dhashay ayaa waxaa kasii horreeyay muranno ka dhashay kulamadii Napoli iyo Inter iyadoo kooxda dambe xitaa laacibiin laga ganaaxey.

“Ma ogi inay jiraan 3 naadi oo wada waalan iyo in ay jiraan guulo su’aalo ku jiraan oo soo baxa kulamada lala ciyaaro Juventus.” ayuu yiri Maurizio Sarri.

”Anigu ma ihi madaxwaynaha garsoorayaasha, balse wuxuu madaxwaynuhu ii sheegaa inay leennahay garsoorayaasha ugu adag adduunka. Marka waan aaminaynaa.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close