LA LIGA: Barcelona oo guuldarro kala soo laabtay Deportivo La Coruna oo ay booqatay… + SAWIRRO

(Deportivo) 12 Maajo 2017 – Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa laga yaabaa inay wayso hoggaanka horyaalka La Ligaha Spain kaddib markii ay guuldarro 2-1 kala soo kulantay naadiga Deportivo La Coruna oo ay booqatay.

Deportivo La Coruna ayaa goolka la horreysay waxaana 40’daqiiqo dhammaadkii qeybtii hore u dhaliyey Joselu, kaddib markii kubbad uu soo tufay goolhayaha Barca uu si awood leh shabaqa u galiyey, sidaas ayaana lagu kala nastay kooxda martida ahayd ee Barcelona oo lagu hoggaaminayey 1-0.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Barcelona ayaa la timid goolka barbaraha waxaana 46’daqiiqo u dhaliyey Luis Suarez, kaddib markii uu shabaqa gaarsiiyey kubbad uu helay gudaha xerada ganaaxa, kulanka ayaana sidaas ku noqday barbaro 1-1.

Goolka guusha ay ku qaadatay kooxda Deportivo waxaa madax ugu dhaliyey 74’daqiiqo Alejandro Bergantinos, Barcelona ayaana looga soo badiyey 2-1.

Kooxda Barcelona ayaa wayn karta hoggaanka horyaalka La Liga maadaama ay hal dhicib ka sarreyso Real Madrid oo ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka oo leh 59-dhibcood taasoo caawa la ciyaaraysa Real Betis.

SAWIRRO:

1

C6u8VjgXAAAJVnD

C6u80CyWkAETcdW

C6u82X9WoAArIjL

C6u84pcXAAQEo7Z

C6uuAnmW0AA7aCi

C6uuDuxWsAAYKyP

C6uuJe1WYAAYpan

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close