XOG: Eden Hazard ayaa ka fiican Neymar iyo Messi

(London) 11 Mar 2017. Qof walba wuu ogyahay in Eden Hazard ayaan la celin Karin kolka uu cagta ku dhigiyo kubadda, laakiin xogo la uruuriyey ayaa sheegaya in uu xitaa ka wacan yahay Neymar iyo Lionel Messi.
Weeraryahanka Belgium-ka u dhashay waxa ay shiday Premier League-ga tan iyo 2012 oo uu ku soo biiray waxa uuna ku guuleystay PFA Player of the Year olole kahor.
Kaddib xilli ciyaareed liitay oo soo maaray 2015-16, hada dib ayuu u helay qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah.
Sida ay qabto Squawka, 26 jirka waxa uu sameeyey ka tagidda ciyaaryahanada soo raacda (Take – Ons) in ka badan xiddig kasta oo kale mudadaas waana 388 jeer.
Most take-ons completed in Europe’s top 5 leagues since 2014/15:
Eden Hazard (388)
Neymar (366)
Lionel Messi (363)
Wilfried Zaha (311) pic.twitter.com/VJEkh3IJEw— Squawka Football (@Squawka) March 10, 2017
Neymar ayaa ku xiga oo ciyaaryahanada ka tagay (U gambiye) 366 jeer, Messi 363, waxaa la yaab leh oo ku xiga Wilfried Zaha oo u dheela Crystal Palace oo galay afraad 311 jeer.
Hazard waxaa lala xiriirinayaaa Real Madrid, hase ahaatee, jamaahiirta Chelsea waxaa ka farxiyey wararka sheegaya in uu doonayo sii joogidda Stamford Bridge.
Gool FM.