Robert Lewandowski oo ku biiray boqoleyda Bayern Munich

C6plhq3W0AM8iQW

(Munich) 11 Maajo 2017 – Xiddiga xulka qaranka Poland ee Robert Lewandowski ayaa goolkiisii 100-aad u dhaliyey kooxdiisa Bayern Munich kaddib markii uu labo gool shabaqa gaarsiiyey kulankii maanta ay 3-0 kaga adkaadeen naadiga Eintracht Frankfurt.

28-sano jirkaan ayaa dhaliyey 21 gool Bundesliga xilli ciyaareedkan iyo 33 gool tartammada oo dhan.

Lewandowski ayaa xilligii uu joogay kooxda Borussia Dortmund waxa uu u dhaliyey 103 gool 187 kulan oo uu u ciyaaray ka hor inta uusan ku soo biirin Bayern Munich sanadkii 2014-kii.

Si kastaba ha ahaatee 100 gool ayuu haatan dhaliyey Lewandowski 136 kulan oo uu u saftay Bayern Munich tan iyo markii uu ku soo biiray, laakiin wali waxaa sugaysa inuu gaaro laacibka kooxda Bayern Munich ugu goolsha badan ee Gerd Muller kaasoo Bavarians u dhaliyey 525 gool tartammada oo dhan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close