Neymar oo karbaashay Di Maria [Sawir]

(Barcelona) 11 Mar 2017. Wali ma dhicin xiisiihii taariikhiga ahaa ee kulankii Barcelona iyo Paris Saint – Germain.

Barcelona waxa ay ka soo laabatay natiijo 4-0 ahayd oo looga soo badiyey Perc de Princes lugtii hore ee wareega 16ka Champions League balse waxa ay si lala yaabay ugu soo baxday 6-1 is aragii labaad ee ka dhacay Camp Nou.

Ciyaarta oo ay Barca ku hogaamineyso 3-0 ayaa waxaa gool u dhaliyey PSG Edison Cavani taas oo ceel ku sii riday rajadii Calatans, intii ay ku jireen dabaal daga waxaa la arkayey Di Maria oo aamusiinaya jamaahiirta 100-ka kun kor u dhaafayey ee Barcelona.

Hase ahaatee, laga bilaabo daqiiqadii 88aad wax walba wey is badaleen waxaana la sameeyey taariikh aan abid uga dhicin Champions League-ga.

Neymar oo ahaa curiyihii sooyaalka ayaa u jawaabay Di Maria waxa uuna soo dhigay Instagram-kiisa sawir uu afka  farta saarayo  –  dabcan waa jawaab ku socota Argentinian-ka! Mise waa karbaash!?

neyl-1

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close