Manchester United oo ku soo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa Sanchez [Daily Express]

Arsenal Training Session

(Manchester) 11 Mar 2017. Manchester United waxa ay ku soo biirtay loolanka loogu jiro Alexis Sanchez oo lagu wado in uu ka tago Arsenal.

Daily Express waxa ay sheegtay in United ay isha ku hayso xaalada laacibka reer Chile iyada oo diyaar u ah in ay dalab ka gudbiso hadii ay Arsenal go’aansato iibintiisa maadama uu sanad ka harsan yahay qandaraaska uu kula jiro.

United waxa ay loolan adag kala kulmi doontaa kooxaha Chelsea, Manchester City, Atletico Madrid iyo  Paris Saint-Germain .

Kooxda Jose Mourinho waxa ay dharbaaxo kala kulmeen Antoine Griezmann oo ay rabeen kaas oo jimcihii qishay in uu sii joogi karo Atleti.

Sanchez waxa uu dalbanayaa £250,000  oo laga gor gortami karo toddobaadkii.

Waxaa muuqata in uu ka tagi doono Gunners maadama uu muujiyey calaamado cad oo qanaaco darri ah.

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close