Aubameyang oo soo xushay kooxdiisa riyada ee ka kooban 11-ka laacib… (Waxaa ku jira xiddigo ka tirsan Chelsea iyo Man United)

hd-pierre-emerick-aubameyang-dortmund_1c5lycwk4u0nl1k3bwr3jbktlh

(Yurub) 11 Maajo 2017. Xiddiga xulka qaranka Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa soo xushay kooxdiisa riyada ee ka kooban 11-ka laacib.

Pogba, Hazard, Mkhitaryan iyo Zouma oo ka kala tirsan kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa ka soo muuqday kooxda riyada ee Aubameyang.

Xiddigaha Premier League ee Pogba, Hazard, Mkhitaryan waxaa khadka dhexe kula jira Payet iyo Verratti.

Pierre-Emerick Aubameyang oo qudhiisu isku daray shaxda kooxdiisa riyada ayaa weerarka waxaa kula jira laacibka ay ka wada tirsan yihiin Borussia Dortmund ee Reus.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kooxda riyada ee Pierre-Emerick Aubameyang:-

aubameyang-dream-xi_ck8a331w00111kfcajakmim1n

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close