JUVENTUS VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

(Torino) 10 Maarso 2017 – Waxaa caawa isku dheggan camaaliqooyinka reer Talyaani ee Juventus vs AC Milan oo ku ballansan gegada J Stadium ee magaalada Torino.

Dhanka Juventus: Chiellini ayaa ka maqnaan doona kooxdaa Juve, iyadoo Allegri sheegay in Benatia uu ka cad cad yahay Barzagli ama Rugani. Cuadrado ayaa isna ganaaxan, halka Marchisio uu khadka dhexe ku wehlinayo Pjanic iyo Khedira. Waaxda weerarka waa Dybala oo ay wehlinayaan Higuain + Mandzukic. Waxaa sidoo kale loo yeerey muluqa Kean.

Dhanka AC Milan: Locatelli ayaa hargab kasoo kabtay, balse kaydka ayuu kululayn doonaa. Khadka dhexe waa Bertolacci iyo Pasalic oo uu u odayaynayo laacibka loo bogey ee Jose Sosa, halka Kucka la kaydinayo. Montella ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu Romagnoli ka dheelsiin doono dadabka bidix. Zapata iyo Paletta ayaa daafaca dhexe ku bohoobi doona. Suso ayaa soo kabtay wuuna safan yahay. Waxaa soo noqday Antonelli, waxaase jug ku maqan Honda.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close