Elman oo la wareegtay hoggaanka horyaalka iyo Jabriil oo guul ku hoggaamiyay Heegan

IMG_8906

(Muqdisho) 10 Mar 2017.Kooxda Elman ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Soomaaliya, xilli ay wada ciyaartay dhamaan kullamadii loogu tala galay wajiga koowaad ee horyaalka.

Kullan ka dhacay garoonka Banaadir ayaa u suura gashay Elman in ay 7-0 uga badiso Muqdisho United, waxaana goolashaas shan ka mid ah dhaliyay xiddiga Nayanzi Ronaldo Yasin.

Weeraryahankii hore ee Al Bader Maxamed Martial ayaa sii raacsaday labada gool, waxaana guushaan ay imaaneysay xilli Elman uu u soo dhamaaday kullamada wajiga koowaad ee horyaalka.

Elman ayaa iminka leh 18dhibcood iyadoo hal dhibic ka sareysa kooxda Banaadir oo shalay guuldarro kala kullantay Dekedda.

Dhanka kale kooxda Heegan ayaa waqtigii dhimashada guul ka gaartay Gaadiidka waxaana goolka u dhaliyay Kabtankooda Jabriil Xasan Fariid.

Kooxda Booliska ayaa iminka soo gashay booska 7’aad iyadoo ku dhibco ah Jeenyo iyo Gaadiidka oo leh min 12- dhibcood.

IMG_8772

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close