Man United oo barbaro la soo gashay FC Rostov oo ay booqatay iyo kulamadii kale ee la ciyaaray Europa League… + SAWIRRO

(Rostov) 09 Maarso 2017 – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa waddanka Ruushka caawa barbaro 1-1 kula soo gashay naadiga FC Rostov lugta hore ee wareegga 16-ka Europa League.

Man United ayaa goolka la horreysay waxaana u dhaliyey 35’daqiiqo Henrik Mkhitaryan, kaddib markii uu si wacan u dhammaystiray kubbad uu u soo dhigay Ibrahimovic, sidaas ayaana lagu kala nastay kooxda Jose Mourinho oo hoggaanka u haysa ciyaarta.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta FC Rostov oo marti loo ahaa ayaa la timid goolka barbaraha waxaana u dhaliyey 53’daqiiqo Aleksandr Bukharov, kaddib markii karoos loo soo qaaday inta xabadka ku degsaday shabaqa gaarsiiyey, waxaana uu ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1.

Labada dhinacba waxa ay isku dayeen inay goolka guusha la yimaadaan laakiin kulanka ayaa ku soo dhammaaday barbaro 1-1, waxaana Man United oo gool ay dibadda ku soo dhalisay wadata ay Old Trafford kula ciyaari doontaa kooxdan ka dhisan Ruushka.

Kulamadii kale ee la ciyaaray Europa League:-

APOEL Nicosia 0 – 1 Anderlecht

FC Koebenhavn 2 – 1 Ajax

SAWIRRO

3E1DAB3700000578-0-image-a-3_1489083890011

3E1DBDDB00000578-0-image-a-38_1489086760149

3E1DD2F100000578-0-image-a-28_1489086628167

3E1DD4EB00000578-0-image-m-35_1489086735410

3E1DDBB400000578-0-image-a-40_1489087149858

3E1DFE0600000578-4298768-image-a-61_1489089796947

3E1E0D9700000578-0-image-m-12_1489090344190

C6gF8YaWcAADlO_

C6gF8YbWAAI2QwA

C6gF8YlWYAQjJFS

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close