Juventus oo caawa daawanaysa laacibiin ay ka doonayso O. Lyon

(Lyon) 09 Maarso 2017 – Waxaa lasoo werinayaa in kooxda Juventus ay caawa sahmiyayaal usoo dirayso kulanka caawa dhexmari doona kooxda O. Lyon vs AS Roma ee ka tirsan Europa League.

Kooxda Giallorossi ayaa wajahaysa kooxda Ligue 1 oo ay ciyaarayaan luga hore ee wareegga 16-ka Europa League, balse Tuttosport ayaa rumaysan inay tarabuunka soo fariisan doonaan.

Juve ayaa lagu yaqaannaa inay muddo xiisaynaysay Tolisso, wuxuuna warsiduhu sheegayaa inay caawa ilaalo u joogto garoonka caanka ah ee Parc OL si ay ugu kuur galaan laacibkan khadka dhexe.

Yeelkeede, 22-jirkan oo qura ma aha laacibiinta soo jiidatey indhaha Old Lady, balse waxay sidoo kale qiimaynayaan Alexandre Lacazette iyo Nabil Fekir.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close