“Ciyaartoyda Barcelona waxay ii sheegeen inay hareen, ma ahan kulan aan weligeey ilaawi doono.”. Verratti oo aad u calaacalay

ve

(Catalonia) 09 Mar 2017. Barcelona ayaa xalay Champions League ka dhigtay taariikh aan ebid horey loo arag kaddib markii ay 6-1 ku martay PSG oo lugtii hore ee wareega 16 kaga soo adkaatay 4-gool oo nadiif ah.

Cavani ayaa xaalada ku xumeeyay Barca kaddib markii uu gool ka dhaliyay mar ay 3-gool lahaayeen daqiiqadii 62-aad, taa oo khasabtay in Barcelona ay u baahnaato saddex gool oo kale.

Laakiin isma dhigan wiilasha reer Catalonia oo daqiiqadihii dambe ayay dhaliyeen saddexda gool iyadoo goolka guusha uu u dhaliyay Sergio Roberto daqiiqadii 95-aad.

Kubbad qaabeeyaha PSG Marco Verratti ayaa liqi waayay sheekadan isagoo daaha ka rogay in xitaa ciyaartoyda Barcelona ay u sheegeen inay howsha isku dhammaatay oo ay ka hareen tartanka ka hor inta aysan sameyn soo laabashadii mucjisada lahayd.

Luis Suarez, who scored his sides first goal that seemed an age ago, celebrates with Lionel Messi

“Kaddib goolkii Cavani waxaan helnay xoogaa xasilooni ah,” Verratti ayaa sidaa u sheegay L’Equipe.

“Intaa kaddib waxaan la hadlay ciyaartoyda Barcelona waxay ii sheegeen inay isku dhammaatay sheekada.

“Fasiraad uma heli karo saddex gool oo 7-daqiiqo lagu dhaliyay, waa kubbada cagta.

“Waa kulan aan weligeey ilaawi doonin, waxaan rajeynayaa inay qof kasta cashir u noqon doonto.

Verratti oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray:

“Barcelona way u qalantay soo bixitaanka, way adkeyd inaan ciyaarno, inaan baasas sameyno. Si daran ayay cadaadis inoo saareen qeybtii hore, qeybtii labaad si fiican ayaan u ciyaarnay.

“Waa inaan helnaa awooda aan madaxeena kor ugu qaadno, waa inaan Rag noqonaa. Dhammaan waan murugeysannahay, waxaa nalooga adkaaday 6-1 ma ahan inuu sababta lahaa garsooraha innagaa ka masuul ah ugu horreyn.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close