Wenger oo masuuliyada guul daradii xalay dusha ka saaray garsoorihii ciyaarta

(London) 08 Maarso 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa weerar toos ah ku qaaday garsoorihii dhex dhexaadiyay kulankii xalay 5-1 looga adkaaday kooxdiisa.

Bayern Munich ayaa cashar lama ilaawaan ah u dhigtay kooxda Arsenal oo labadii lug ee wareega 16-ka uga soo adkaatay 10-2.

Garsooraha ayaa lagu eedeeyay inuu iska indho tiray gool kulaad ay ahayd inuu u dhigo Arsenal xili xerada ganaaxa lagu jilaafay Theo Walcott.

Taa badalkeeda wuxuu casaan siiyay Laurent Koscielny isaga oo gool ku laad ka dhigay kooxda Arsenal bilowga qaybtii dambe markaas oo lagu fatahay shabaqa kooxda Arsene Wenger.

“Waxaa jira waxyaabo badan oo lagu fasiri karo sababta guul daradaan, waxaan ahayn kuwo nasiibkoodu uu xunyahay iyo qaar kamid ah go’aanada garsooraha oo aan la fahmi karin” ayuu yiri Arsene Wenger.

“Walcott waxay ahayd in loo dhigo rigoore, mana loodhigin, Lewandowski wuxuu ku jiray garab dhaaf markii loodhigayay gool kulaadkii dilay ciyaarta, kadib go’aankaas way nagu adkaatay inaan ku soo laabano ciyaarta”.

“Isku soo wada duub, way adkeyd in la fahmo wixii dhacay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close