Ramos: Sidan waan ka farxad badnaan doonaa hadii Barcelona guul darreysato

14889234768123

(Madrid) 08 Mar 2017. Sergio Ramos oo ahaa xiddigii xalay bad baadiyey ayaa hadana diiday in laga bad badiyo.

Dries Mertens ayaa Napoli daqiiqadii 23aad gool u dhaliyey isaga oo fishay in ay soo labaadan karaan balse daqiiqadii 57aad waxaa madax xoogan ugu shubay Ramos.

Hadana, Ramos madax kale oo uu kacay waxaa iska dhaliyey Mertens laba daqiiqo uun kaddib.

Alvaro Morata ayaa 3-1 ka dhigay ciyaarta.

“Toddobaad kahor, dhaleeceeyeyaasha wey I dilayeen markaa dhihi maayo waxaan ahay geesi kaddib goolashan,” ayuu yiri Ramos kulanka kaddib.

“Laakiin maxaa ka fiican in aan sidaas ugu dabaal dago kulankii 100-aad ee tartaada kooxaha Europe in aan dhaliyo?

“Qeybtii hore waan yara dhibtoonay,” ayuu yiri.

“Hadii aan ogaan lahayn qaacidada mar walba si fiican loogu dheelo, waxyaabaha aad ayey u fududaan lahaayeen.

“Waxyaabaha mar walba sida loo qorsheeyo uma dhacaan laakiin marka niyada wacan tahay, waxwalba iyada ayey soo raacdaa.”

“Waxaan ka sii farxad badnaan doonaa hadi Barcelona guul darreeysato, si fudud ayaan u seexan doonaa.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close