‘Ma naqaan sida loo difaactamo,’ Ronaldo uu furka ku tuuray xiddigaha Real Madrid

14889258086994

(Madrid) 08 Mar 2017. Ronaldo waxa uu aad u dhaleeceeyey xiddigaha kooxdiisa qeybtii hore ee ciyaarta kulankii xalay ee Napoli.

Kooxda reer Italia ayaa ka saa’id caleeysay Los Blancos  qeybtii hore kulankii ka dhacay San Paolo taas oo ka xanaajisay Portuguese-ka.

“Ma naqaan sida loo difaactamo,” ayuu ku yiri Marcelo  markii ay soo aadeen qeybta dambe ee ciyaarta.

Hadaladiisa waxaa qabtay kaamirooyinka  ‘Champions Total’ walwo aysan caddeyn hadalada uu ku jawaabay laacibka reer Brazil, hadana uma muuqan mid ku faraxsan eeda weeraryankiisa.

Waxaa sidoo kale eeda qeyb ka ahaa Pepe iyo Karim Benzema laakiin uma aysan ekeen kuwo aad dariin u siinaya qeyladiisa.

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close