Bellarin: “Wey i dhaawacday in aan arko jamaahiirta oo xilli hore gegida ka baxaya”.

FBL-EUR-C1-ARSENAL-BAYERN MUNICH

(London) 08 Mar 2017. Hector Bellerin waxa uu qiray in ay dhaawacday aragtida jamaahiirta Arsenal oo raxan raxan gegida Emirates uga baxaya kulankii ay ceenta kala kulmeen Bayern Munich xalay.

Dambeedka middig qeyb ayuu ka ahaa Arsenal-shii 1-5 lagu saqiir suujiyey.

Goolal ka kala yimi Robert Lewandowski, Arjen Robben, Douglas Costa and Arturo (2)ayaa ka dhigay in Arsenal 10-2  goolal ah looga cirib tiro Champions League-ga.

Bellarin waxa uu yiri “Aad ayey ii dhaawacday in aan arko taageereyaasha oo xilli hore ka baxay gegida.

“Ugu dambeyntii iyaga ayaan u dheelnaa waxaana rabnaa in ay faraxsanadaan oo ay na garab istaagaan. Waa xanuun in aad aragto iyaga oo xilli hore baxaya.

“Waan ognahay in aan leenahay baaxadda aan wax wacan ku sameyn karno. Waxaan rabnaa in aan faraxad galino inta ka harsan ololaha.

“Waxaan rabnaa kulan walba in aan u fekerno sidii manta. Waxaan rabaa in aan raaligaliyo jamaahiirta.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close