Alonso oo daaha ka rogay kooxda ay doonayaan inay la ciyaaraan Final-ka Champions League

alonso

(Europe) 08 Mar 2017. Bayern Munich ayaa markale 5 gool u dhiibtay Arsenal kulankii xalay ee lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League iyadoo la xusuusto in natiijo midan oo kale ah ay uga soo adkaadeen lugtii hore ee lagu soo ciyaaray Jarmalka.

Xabi Alonso ayaa daaha ka rogay inuu doonay inuu final-ka koobka dhaga waynaha ku wajoho kooxdiisii hore ee Real Madrid taa oo iyana xalay 3-1 ku soo martay Napoli.

“Bayern vs Real Madrid oo final-ka isku qabta mid xun ma noqon doonto ,” Alonso ayaa sidaa u sheegay Radio Onda Cero:

xabi alonso real madrid

“Waxaan u maleynayaa in Real Madrid iyo Atletico Madrid ay yihiin kuwa ugu xoogan sidaa darteed inaad wajahdo iyaga qeybaha dambe ee tartanka way fiicanaan doontaa.

Wadada ay Bayern ugu soo bixi karto Final ka Champions League ayaa sii sahlanaan karta haddii tartanka laga reebo Barcelona sida la wada filayaba.

Laakiin Alonso ayaa diiday inuu meesha ka saaro Barcelona iyadoo ay jirto in looga soo adkaaday 4-0 lugtii hore ee wareega 16 ka ay Faransiiska kula soo ciyaareen PSG.

“Meesha kama saari doono Barcelona, way adag tahay laakiin kama saari doono,” Alonso ayaa intaa warkiisa ku daray.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close