“Uma ogolaanayno Real Madrid inay nastaan” – Tababare Maurizio Sarri

(Napoli) 07 Maarso 2017 Tababaraha kooxda Napoli ee Maurizio Sarri ayaa ka hadlay kulanka lugta labaad ee kooxdiisu ay caawa marti galin doonto dhigeeda Real Madrid.

Real Madrid ayaa 3-1 ku soo adkaatay kulankii lugta hore, waxayna caawa indhaha ku haayaan sidii ay ugu soo gudbi lahaayeen wareega 8-da.

Maurizio Sarri ayaa sheegay in cadaadisku uu saaranyahay Real Madrid maadama ay tahay kooxda ugu hodansan aduunka.

ساري: لن ندع ريال مدريد يرتاح

“Cadaadisku iyaga ayuu saaranyahay waayo waa kooxda ugu hodansan isla markaana ah horyaalka aduunka” ayuu yiri Maurizio Sarri.

“Laakiin anagu waxaan haysanaa taageerayaasha ugu fiican aduunka, yurub oo dhan barri ayeey taas ogaan doonaan”.

Maurizio Sarri ayaa intaa ku daray in kooxdiisu aysan fursad siin doonin ciyaartoyda Real Madrid, wuxuuna rajo ka muujiyay in kooxdiisu ay soo tiigsato wareega 8-da.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close