Taageerayaasha Arsenal oo ku banaan baxay Wenger ka hor ciyaarta (SAWIRRO)

(London) 07 Maarso 2017 Taageerayaasha kooxda Arsenal ayaa haatan banaan bax kawada banaanka garoonka Emirates xili daqiiqado oo kaliya ay ka harsantahay ciyaarta Bayern Munich.

Kumanaan kun oo taageerayaasha kooxda Arsenal ah ayaa dalbanaya in tababare Arsene Wenger uu isaga tago kooxda dhamaadka xiliciyaareed kan.

Waxayna ka soo horjeesteen in heshiis cusub laga saxiixo Arsene Wenger kadib markii maamulku uu soo hordhigay heshiis 2-sano ah.

“Waxaan doonaynaa in Arsenal ay dib u soo laabato, Maya heshiis cusub, waxaan doonaynaa in Wenger uu baxo” ayeey ku qaylinayaan taageerayaasha Arsenal.

Arsenal ayaa caawa u baahan mucjiso si ay uga soo baxdo Bayern Munich oo 5-1 uga soo adkaatay kulankii lugta hore.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close