“Shaki iigama jiro inaan garaacayno PSG” – Luis Enrique

(Barcelona) 07 Maarso 2017 Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa niyada u dhisay taageerayaasha kooxdiisa ka hor kulanka habeen dambe ay marti qaadi doonaan kooxda PSG.

Luis Enrique ayaa sheegay in shaki uusan uga jirin in kooxdiisu ay guul ka gaari doonto dhigeeda PSG oo lugtii hore uga soo adkaatay 4-0.

46 jirkaan ayaanse hubin in kooxdiisu ay soo gudbi karto laakiin wuxuu rajo ka muujiyay in haddii kooxdiisu ay sifiican u ciyaarto ay awoodo inay soo baxdo.

“Waan rumaysanahay shakina iigama jiro inaan guul gaari doono kulankaas” ayuu yiri tababare Luis Enrique ka hor ciyaarta.

Image result for Luis Enrique vs psg

“Waxaan doonaynaa inaan abuurno jawi ay nagu caawinayaan taageerayaasheena, fursad ayaan u haysanaa inaan ka soo baxno wareegaan”.

“Arinku wuxuu u muuqdaa mid dhinac u dhacay laakiin haddii aan sifiican u ciyaarno ma jirto cid saadaalin karta wixii dhici doona, waan siiwadi doonaa isku dayga ilaa daqiiqada ugu danbaysa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close