Man United oo quus ka muujineysa Antoine Griezmann…(Xiddigahan ayay iminka diirada saareysaa)

gg

(Manchester) 07 Mar 2017. Manchester United ayaa iminka bilowday inay baaritaano u gasho sidii ay u heli lahayd weeraryahano kale kaddib markii uu aad u adkaaday soo iibsashada dhaliyaha Atletico Madrid Antoine Griezmann.

Weerararyahanka Monaco Kylian Mbappe iyo midka Bayern Munich Robert Lewandowski ayay iminka ka fikireysaa Red Devils sidii ay ugu dhaqaaqi lahayd.

Image result for antoine griezmann man united

Griezmann ayaa ahaa bartilmaameedka koowaad ee Old Trafford xagaaga soo socda laakiin jariiradda The Independent ayaa ogaatay in heshiiskaasi uu aad u adkaaday isla markaana ay kooxda Jose ku fikirayaan dooqyo kale.

Kooxda ka dhisan caasimaada Madrid ayaa gabi ahaan dooneyn inay iska iibiyaan dhaliyahooda kaddib garoonka cusub ay dhawaan dhisteen, yeelkeede Jose Mourinho ayaa isna la sheegayaa inuu weli doonayo laacibka iskuna dayi doono inay wax uun dhacaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close